By isxaaq Waxaa magaalada muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shirka madaxda dowladda dhaxe iyo maamulada…

Askar lixaadkoda kuwayay Dagaladii ay la galeen shaba ee kadhacay Dawlad Degganka oo gadiid la gudonsiiyay
By Ayanle Dhiire
Komishineerka komishinka booliska DDS ayaa xubno kamida askartii laxaadkooda ku waayay dagaaladii lala galay aragagixisada Alshabaab ku wareejiyay 12 bajaaj.
Tan iyo markii ay ciidanka Deegaanku guulaha lama ilaawaanka ah ka soo hoyeen argagixisada Alshabaab wuxuu komishinka booliska deegaanku wadaa dadaalo wax loogu qabanayo ciidankii ku waxyeeloobay difaaca Deegaanka iyo kuwii ku dhintayba sidii iyaga iyo ubadkooda wax loogu qaban lahaa. Waxaana qayb ka ahaa dhulkii iyo guryihii lagu wareejiyay maalmo kahor agoontii ciidanka.
Waxaana maanta mar kale komishineerka komishinka boolisku ku wareejiyay 12 xubnood oo ah xubnihii ku laxaad waayay dagaalkii Alshabaab 12 bajaajta yaryarta ah si ay uga dhigtaan gaadiid iyo shaqo abuurba.
Askarta gaadiidka lagu wareejiyay ayaana soo dhaweeyay taageerada la siiyay, sheegayna inay laxaadkooda ku waayeen difaaca deegaankeena.
This Post Has 0 Comments