Skip to content

Askari Faraxumeyay ilmo aan Qaan garin oo lagu xukumay 15 sano cabsi ah

By Ayanle Dhiire 

Maxkamadda ismaamulka Migori ayaa sarkaal booliis ah ku xukuntay 15 sano oo xabsi.
Askarigan ayaa lagu helay dambi ah inuu faraxumeeyay ilmo yar oo aan qaangaarin.
Falkan ayuu sarkaalkan gabadh 16 sano jir ah kula kacay sanadkii 2021-kii.
Waxaa xukunkan maanta soo saartay garsooraha sare ee maxkamadda Migori Angela Munyuny.
Sarkaalkan ayay maxkamadda magaciisa ku sheegtay Howard Omwah.
Maxkamadda ayaa sheegtay in falka uu gaystay askariga uu ka soo horjeeda sharciga dembiyada galmada ee la ansixiyay sanadkii 2006-dii.
Sarkaalkan ayaa sidoo kale lagu soo oogay dambiga ah inuu gaystay fal anshax xumo ah oo uu kula kacay ilmo yar kaas oo ka soo horjeeda qodobka 11-aad ee sharciga dembiyada galmada.

 

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top