By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Australia oo bandow saddex toddobaad ah ku soo rogtay magaalada Sydney
Abdinajib Abdullahi
Dowladda dalka Australia, ayaa maanta xaalad bandow ah kaga dhawaaqday caasimadda gobalka New south wales, ee Sydney ka dib marki ay korodhay tirada dadka uu haleelay caabuqa COVID19.
Dadka ku nool magaalada Sydney oo tira ahaan dhan Shan milyan oo qof ayaa laga codsaday in ay guryahood ku nagaadaan muddo 3 toddobaad ah iyaga oo u hoggaan samaya amaradda dowladda ee lagu xakamaynayo fididda caabuqa corona.
Dowlada Australia ayaa howlgalisay boqolaal bolis oo dheeraad ah si ay u dhaqan galiyaan bandowga lagu soo rogay gobalkaasi.
Gobalka New south wales, ayaa si guud laga diwaan galiyay xaaladaha caabuqa covid-19 oo gaaraya 6,109, halka dhimashadu ay gaarayso 54 qof.
Tirada guud ee uu haleelay COVID19 ee dalka Australia ayaa kor u dhaaftay 30,000 halka dhimashada guud ay marayso 910 xaladood.
This Post Has 0 Comments