skip to Main Content

Axmad Rashiid oo lagu amray inuu isku soo dhiibo xarunta waaxda DCI-da ee magaalada Garissa

By Abdinajib Abdullah

Axmad Rashiid oo ah sarkaal booliis ayaa lagu amray inuu tago xarunta waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ee laanteeda magaalada Garissa, si kiiska dilka ee uu wajahaya loogu gudbiyo magaala madaxda wadanka ee Nairobi.
Waxaa uu ku eedeysan yahay inuu sanadkii 2017-kii uu xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi uu ku toogtay labo dhallinyaro ah.
Garsooraha maxkamadda sare Kanyi Kimondo ayaa maanta soo saartay amar ah in Axmad Rashiid uu maro baaritaan maskaxeed ka hor inta uusan qiran dambiga dilka ah.
Maxkamadda ayaa qareenka matalaya Axmad Rashiid ee lagu magacaabo Danstan Omari ka codsatay inuu hubiyo in sarkaalka uu maro baaritaan maskaxeed.
Hasa ahaatee, Danstan Omari ayaa xaqiijinin in sarkaalkan uu diyaar u noqon doono baaritaanka maskaxeed sida ay amartay maxkamadda.
Horraantii bishii hore ayay ahayd markii uu sarkaalkan maxkamadda geeyay codsi uu ku doonaya in dib loo eego dacwadda ka dhanka ah.
Tani ayaa ku soo aadeysa iyadoo qareennada matalaya sarkaalkan ay doonayaan inay gudbiyaan dacwad ay uga soo horjeedaan eedeymaha dilka ee uu wajahaya Axmad Rashiid.
Waxaa ay sidoo kale tani imaanaysa iyadoo guddiga ganacsatada xaafadda Islii ay sheegeen inay garab istaag u muujinayaan Axmad Rashiid.
Waxaa ay hoosta ka xarriiqeen inuu door ka qaatay la tacaalidda falal amni darro oo xaafadda saameyn ku lahaa .

xaquuqda weydhowrantahay Boundless media

Back To Top