By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…

Barasaabka wajer oo dhaliil u jediyay wasarada maliyada Dalka
By Ayanle Dhiire
Guddoomiye ku xigeenka golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada wadanka ee (CoG) ahna hoggaamiyaha ismaamulka Wajeer ,Axmad Cabdullahi ayaa wasaaradda maaliyadda ee dalka ku dhaliilay in aynan dowlad deegaannada ku wareejin lacagaha loo qoondeeyay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in kheyraadkan oo aan la bixin xilliga ku habboon ay noqotay caqabad sanadla ah.
Tani ayuu carrabka ku adkeeyay inay saameyn ku yeelatay ujeedadii laga lahaa nidaamka dowlad wadaajinta sida ku qeexan dastuurka dalka ee la soo saaray sanadkii 2010-kii.
Axmad Cabdullahi ayaa wareysi uu saaka siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen ku sheegay in wasaaradda maaliyadda ay iska dhaga tirtay qoondeynta dakhliga ismaamullada iyo golaha barasaabyada ee CoG.
Guddoomiyaha golaha CoG ,Anne Waiguru ayaa horay u sheegtay in ismaamullada ay wajahayaan caqabad dhaqaale oo aynan bixin mushaaraadka tan iyo bishii 11-aad ee sanadkii hore.
19-kii bishii hore ayay ahayd markii la shaaciyay in ismaamullada ay dowladda dhexe uga maqan tahay lacag dhan 81 bilyan oo shilin.
This Post Has 0 Comments