By isxaaq Daadad ayaa ka soo rogmadey magaalada Muqdisho kadib markii roobab culus oo socday…

Barasabka Garissa oo Ansixiyay missaniyad dhan 10 billyan
By Ayanle Dhiire
Guddoomiyaha ismaamulka Garissa Nadiif Jaamac Adan ayaa qalinka ku duugay xeerka qoondeynta miisaaniyadda ee sanadkan ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu saaka saxiixay miisaaniyad dhan 10.35 bilyan oo shilin oo ay Garissa adeegsan doonto miisaaniyad sanadeedkan 2023/2024-ka.
4.2 bilyan oo lacagtan ka mid ah ayaa loo isticmaali doonaa bixinta qarashaadka howlaha ismaamulka halka 3.7 bilyan loogu talagalay barnaamijyada horumarineed.
Waxaa saxiixidda xeerkan goob joog u ahaa barasaab ku xigeenka ismaamulka Garissa Cabdi Dhaqane Muxumad iyo hoggaanka golaha hoose oo uu hor kacayay guddoomiyahooda Cabdi Iidle.
Nadiif Jaamac ayaa sheegay in ujeeddada ugu wayn ee tallaabadan ay tahay fulinta mashaariic horumarineed oo waawayn.
Waxaa uu dhanka kale wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Garissa uu uga mahadceliyay sida ay ula shaqeynayaan laanta fulinta ee maamulkiisa
This Post Has 0 Comments