skip to Main Content

Beesha caalamka oo war culus kasoo saartay doorashada iyo musharaxiinta la hor-istaagay

By Abdinajib Abdullahi

Beesha Caalamka ayaa war-Saxaafadeed ka soo saartay walaaca laga muujinaya hanaanka ay ku billowdeen doorashooyinka Golaha Shacabka, waxayna dalbadeen in la helo doorasho lagu kalsoonaan karo oo ay aqbali karaan dhamaan daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya dalbadeen in 24-ka December lagu dhameystiro doorashada Golaha Shacabka, kadibna si deg-deg ah lagu soo gaba-gabeeyo doorashada madaxweynaha.

“Waxaan ku baaqaynaa in daah-furnaan buuxda loo sameeyo dhammaan geeddi-socodyada la xiriira, oo ay ku jiraan magacaabista guddiga soo xulista, xulasta ergada, diiwaangelinta musharraxiinta, kuraas u xirirsta haweenka musharraxiinta ah, si loogu hoggaansamo qoondada boqolkiiba 30 ee lagu heshiiyey, iyo maareynta lacagaha musharraxiinta,” ayaa lagu qoraalka kasoo baxay Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka.

“Waxa aanu sidoo kale ugu baaqaynaa guddiyada doorashada inay fududeeyaan korjoogeynta dhammaan hawlaha goobaha cod bixinta.”

Sidoo kale waxay ku adkeeyen howl-wadeenada doorashada inay tix-geliyaan xaqa ay musharaxiinta u leeyihiin inay isu-soo taagan doorashada, iyada oo la marayo jawi ku dhisan tartan dhab ah oo xalaal ah.

“Waxaan ku dhiirigelinaynaa ergooyinka iyo musharrixiinta doonaya inay soo gudbiyaan cabashooyinka doorashada inay sidaas ku sameeyaan iyagoo u maraya hababka sharciga ah ee loo sameeyay ujeedkan.”

Qoraalka kasoo baxay Beesha caalamka ayaa kusoo aadaya xili ay Musharaxiinta Mucaaridka ay walaac xoogan ka muujiyeen hanaanka doorashooyinka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka oo dhawaan ka bilaabatay dalka.

Waxaa si wada-jir ah qoraalka u soo saaray; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media
Back To Top