By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
BIDEN oo markale farriin culus u diray PUTIN
By Abdinajib Abdullahi
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin uu dusha u ridan doono mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata duulaanka uu ku qaaday Ukraine.
Joe Biden ayaa sheegay in Mareykanka iyo gaashaanbuurta Nato ay muujiyeen taageerada ay u hayaan reer Ukraine.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in lala xisaabtamo wax uu ugu yeeray kuwa kalitaliska ah oo uu tilmaamay inay horseedayaan dhibaato weyn.
“Haddii kuwa kalitaliska ah lala xisaabtami waaye dhibaato weyn ayay horseedeyaan” ayuu yiri madaxweynaha waddanka Mareykanka.
Biden oo hadallo kul kulul ku canaantay Putin ayaa sidoo kale xusay in weerarka uu Ruushka ku qaaday Ukraine uu yahay mid aan laga fiirsan.
“Putin wuu nagu khaldamay, diyaar baan nahay,” ayuu khudbad sanadleh ah oo uu jeeiyey madaxweyne Joe Biden.
Xaaladda Ukraine ayaa weli qasan, wuxuuna dagaalku galay maalintiisii todobaad, iyada oo duqeymihii u dambeeyey ay ku dhinteen 21 qof, kuna dhaawacmeen 112 qof oo kale.
Xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media