Skip to content

Boliska Nairobi oo kala Eryay Dibad baxayaal kaso horjeedo hindisse maliyadeedka sanadkan!

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Saraakiisha booliiska ee ismaamulka Nairobi ayaa maanta sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay dibadbaxayaal isugu soo baxay caasimadda dalka oo muujinayay sida ay uga soo horjeedaan hidnise maaliyadeedka sanadkan.
Dadkan ayaa mudaharaadyada ka soo billaabay goobta loo yaqaano Jevanjee Gardens waxayna socdaal ku mareen bartamaha magaala madaxda wadanka ka hor inta aynan kala eryin booliiska xilli ay ku wajahnaayeen xarunta baarlamaanka.
Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid yihiin in aan la ansixin hindisaha maaliyadda ee 2023-ka oo lagu wado in toddobaadkan baarlamaanka la hor geeyo.Wararka ayaa intaasi ku daraya in laamaha ammaanka ay gacanta ku dhigeen dhowr qof oo ka mid ahaa dibadbaxayaasha.
Madaxweynaha dalka William Ruto, ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua iyo siyaasiyiinta ka tirsan isbeheysiga muxaafidka ee Kenya Kwanza ayaa sheegay in baarlamaanka uu qorshahan meel marin doono in kastoo garabka mucaaradka ee Azimio ay wacad ku mareen inay u istaagi doonaan sidii dhinac la iskaga dhigi lahaa hindisahan!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top