skip to Main Content

Booliiska oo baadi goobaya eedeysane lala xiriirinaya dilka haweeney lagu dilay Garissa

By  Abdinajib Abdullahi

Booliiska magaalada Gaarisa ayaa ku raad jooga tuhmane lala xiriirinayo dil loo gaystay haweeney ganacsato ah oo lagu magacaabi jiray Khadiija Xuseen Faarax.
Falka dilka ah ee lagula kacay haweeneydan ayaa dhacay habeenkii Axadda ee 25-kii bishan.
Marxuumadda ayaa waxaa weeraray saddex qof oo saarnaa mooto.
Xilli lagu daaweynayay isbitaalka Madiina Diagnostics ee magaalada Garissa ayay u geeriyootay dhaawacyo ka soo gaaray toorrey looga dhuftay caloosha .
Waxaa haatan xabsiga ku jira labo eedeysane oo lagu kala magacaabo Micheal Baraza Wanyama iyo Maxamad Cabdiqaadir Xuseen.
Wanyama, oo ahaa wadihii kaxeynayay mootada dhugdhugleyda ayaa 27-kii bishan la hor geeyay maxkamadda, iyadoo baarayaashaa ay dalbadeen in 14 maalmood tuhmanahan xabsiga lagu sii haayo, si ay baaritaannada muddadan ugu soo gabagabeeyaan.
Cabdullaahi Shithe Weheliye oo loo yaqaan (Jiiji) ahna eedeysanaha saddexaad ayaa laamaha ammaanka baadigoob ugu jiraan.
Hasa ahaate, waxaa haatan socda dadaallo lagu doonayo in gacanta lagu soo dhigo eedeysanahan, si su’aallo loo weydiiyo islamarkaana ay booliiska tallaabada xigta u qaadaan.
Booliiska ayaa shacabka ugu baaqay inay gacan ka gaystaan xog kasta oo horseedi karta in la soo qabto eedeysanaha la raadinaya.

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

Back To Top