By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir (Qaanqaa) ayaa sheegay sababaha dalkooda loogu celinayo…
Booliska kenya oo baadi goobaya nin iska dhigi jiray qaree
By isxaaq Rashid Maxkamad kutaalla dalka Kenya ayaa waaran soo qabasho ah u jartay nin lagu eedeeyay in uu iska dhigi jiray qareen , isaga oon aheyn qareen sidoo kale aan heysan shahaadada laga rabo dadka noqda qareenka
Ururka qareennada ee Law Society of Kenya {LSK} ayaa sheegay in ninkan booliiska baadigoobayaan uu iska dhigay qareen , isaga oon u qalmin in uu noqdo qareen ama aan heysanba sharciyad
Saraakiisha dhinaca sharciga u qaabilsan dowladda Kenya ayaa ku booriyay ciidamada booliiska in ay soo qabtaan ninkan oo ku shaqeysanayay magaca beenta ah uu leeyahay qareen kale “Brian Mwenda”
Ninkan Kenyanka ah ee booliiska raadinayaan ayaa lagu sheegay in uu yahay nin iska dhige qareen “Masquerade”, waxaana ninkan lagu eedeeyay in uu xaday aqoonsiga qareenka dhabta ah, oo lagu magacaabo Brian Mwenda Ntwiga.
This Post Has 0 Comments