Skip to content

Booliska Soomaaliya oo war ka soo saaray qabashada koox dil iyo dhac ka geysata muqdisho

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan,  ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo si cad u beeniyay wararka ku saabsanaa in sarkaal ka tirsanaa laamaha ammaanka uu is daldalay,balse uu tilmaamay in sarkaalkaasi la dilay.

Afhayeenka ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay howlgallo ballaaran oo laamaha ammaanka ka fuliyeen magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu qabtay kooxo looga shakisan yahay dilal iyo dhac , kuwaasi oo ka geystay qeybo ka mid ah caasimadda, gaar ahaan degmada Xamarjajab oo uu sheegay in saakay aroortii uu ka dhacay falkii ugu dambeeyay ee lagu dilay sarkaalka.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in inta badan eedeysanayaasha dilalka geystay toddobaadyadii ugu dambeeyay ay horey u soo mareen maxkamado, isla markaana lagu xukumay dil toogasho ah, balse qaar ka mid ah lagu sii daayay dameyn, kadib markii ay dhinacyada heshiiyeen.

Booliska ayaa ballan qaaday in ay si adag ula dagaalami doonaan dambiyada abaabulan iyo kuwa dilalka ah, isla markaana ay cadaaladda hor keenayaan dhammaan dadka dambiyadaas ku lugta leh.

Back To Top