
Cabdirashiid Janan oo sheegay in aay xaquuq heli doonan ciidamada ka soo goosta Axmed madoobe
Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland, Cabdirashid Janan, oo hadda dowladda federaalka Soomaaliya u qaabilsan Taliyaha Nabad Sugidda gobolka Gedo, ayaa markale waxaa uu ka hadlay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Baladxaawo iyo xaalada guud ee degmada.
Janan ayaa shaaca ka qaaday in Jubbaland ay dhibaato ka wado degmada Beledxaawo, taasi oo culeys weyn ku ah shacabka ku nool degmadaasi, sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sheegay in arrimahaas ay horseedeen in ciidamo badan ay ka leexdaan dowladda isla markaana ay ku biiraan Jubbaland.
Sidoo kale Janan ayaa sheegay in wax xuquuq aysan haysan Maleeshiyaadka taabacsan Axmed Madoobe ee ku sugan Magaalada Beledxaawo, wuxuuna u balanqaaday in dowladda Soomaaliya ay siin doonto xuquuqda ay u baahnaayeen, haddii ay ka soo goostaan garabka Axmed madoobe.
Cabdirashid Janan ayaa degmada Beledxaawo uu u yimid si loo habeeyo maamulka iyo hoggaanka ciidamada ku sugan Gobolka Gedo.