Skip to content

Ciidamaada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo weeraray deegano aay AS ku suganayen

By isxaaq Rashiid Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwa Nabadsugida iyo Booliska oo ay wehlinayeen Ciidamada Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dagaal ku qaadey Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ee mudooyinkii ugu dambeyey shacabka ku dhibaatanayey jidka dheer ee xiiriya degmooyinka Luuq iyo Doloow ee Gobolka Gedo.

Ciidamada ayaa la wareegey fariisimo Al-Shabaab ay ku lahayeen degaanada Shataaloow,  Aboow iyo laaqeey,  waxaana la sheegay in Xubnaha Al-Shabaab ay aadeen dhinaca degaannada Caracase iyo tuulo baraaqo, sida ay Warbaahinta u sheegeen Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Gobolka Gedo Cali Xasan Cabdi oo howlgalka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalka, isaga oo sheegay inay degaano badan la wareegeen.

Degaannada iyo degmooyinka Gobolka Gedo ayaa waxaa intooda badan gacanta ku haaya Ciidamada xoogag dalka Soomaaliyeed, hayeeshee ay jiraan meelaha qaar oo ay maamulaan, halkaas oo dhawaan la fialyo inay ka xorreeyaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top