Skip to content

Ciidamada amaanka muqdisho ayaa qabtay xubno ka tarsan AS kadib howlgal aay sameeyen

By isxaaq Rashiid Maamaulka gobolka Baanadir ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay xubno ka tirsan AS  oo ka soo cararay furimaha dagaalka kuwaasi oo doonaayay inay falal amini daro ka geystaan Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Xaabsey ayaa tilmaamtay in dagmada Wartanabada ay ka bilaabeen howlgallo roonto da ah oo ay ku marayaan xafadaha dagmada waxa ay sheegtay in ay howlgalladaasi ku soo qabqabteen xubno ka tirsan AS oo si dhuumaalaysi ah uso galay Wartanabadda.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in ay sidoo kale ku raad joogaan Xubno kale oo katirsan AS , kuwaas oo laamaha Amniga xog ku heleen inay soo galeen magaalada, iyada oo Shacabka ugu baaqday inay la Shaqeeyaan laamaha Amniga Soomaaliya.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmahaan waday howlgallo iyo kormeer ay masuuliyiinta maamulka ku marayeen qeybaha kala duwan ee dagmooyinka gobolka Banaadir

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top