skip to Main Content

Ciidamada Booliska Jubland oo gacanta ku soo dhigay Rag ku Eedeysan dil

By isxaaq Rashiid Ciidanmada  Booiiska Jubbaland ee ka howlgala dagmada Dhoobley oo daba socday dhaq dhaqaaqa edeysaneyaal  baxsad  ah , kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay gudaha  dalka Kenya, ayaa wada shaqeyn dhexmartay labada ciidan oo si wada jir ah isaga kaashada sugidda amniga suragalisay in gacanta Booliska Jubaland ay soo galaan.

Edeysanayaasha oo kala ah Aadan Cilmi Ciise iyo Cawil Ciise Xirsi ayaa loo heystaa dilka marxuum Cabdinuur Maxamed Cali, oo ay ku dileen dagmada Jariiban oo ka tirsan gobolka Mudug tariikhdu markii ay ahayd 24/11/2023.

Ciidamada Jubland  ayaa maalmahaan waday Hawlgallo amaanka lagu  xaqiijinayo laguna soo qabanayo kooxaha  falalka Amni darro ka waday degaannada Jubland.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top