By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…

Ciidamada danab oo la wareegay deegano dhoowr ah oo AS haysten
By isxaaq Rashiid Ciidanka kumaandooska xooga dalka Soomaliyeed ee DANAB gaar ahaan ururka 163aad Guutada 16’aad iyo Daraawiishta Galmudug ayaa la wareegey Deegaanka Shabeeloow ee Gobolka Mudug
Degaankaan ayaa istaraatiijiyad weeyn u ahaa AS oo muddo tobanaan sano ah ka badan ku sugnaa degaankaas, isla markaana ay kasoo abaabuli jireen weerarada.
Howlgalka inti oo socday ciidanka ayaa gabi ahaan burburiyeen Xarumihii ay ku sugnaayeen AS sida uu sheegay Taliye ururka 163aad guutada 16aad ee kumaandooska DANAB Axmed Maxamed Salaad.
Degaano kale oo katirsan Koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa weli howlgallo xoogan ka wada Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa degaanka, iyaga oo degaano dhowr ah kala wareegay AS
This Post Has 0 Comments