Skip to content

Ciidamada dowladda oo howlgal qorsheysan sameeyay

By isxaaq Rashiid Ciidanka Kumaandooska xoogga Dalka ee DANAB iyo Gorgor ayaa howlgal lagu xaqiijinayay ammaanka ka sameeyay deegano dhowr ah oo hoosyimaada dagmadda Galcad ee gobolka Galgaduud.

Deeganada Ceel qurac, Galgoof iyo dhulka Howdka ah ee u dhaxeeya Gal libaax iyo Alfuraad, ayaa howlgalka laga sameeyey,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan AS  oo dadka deegaanka kaqaadayay lacago ay ku tilmaamayeen Sakaawaad.

Saraakiisha hogaamineysay howlgalkaan ayaa sheegay in ay kawar heleen Xubno kamid ah AS oo si dhuumaaleys ah ku imaanayay deegaanadaasi.

Dowladda Soomaaliya ma sheegin khasaaro ka dhashay howlgalka iyo waxyaabo lagu soo qabtay, hayeeshee Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay howlgallada sii wadi doonaan.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top