Skip to content

Ciidamada dowladda oo weeraray fariisimo AS ku suganyahiin

By isxaaq Rashiid Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60aad ayaa howlgallo xoogan saacadihii la soo dhaafay ka sameeyay degaano katirsan Gobolka Baay ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Howlgalkan oo uu hoggaaminayey Taliyaha ururka 154 guutada 8aad qeybta 60aad ee xoogga dalka Xidigle Xasan Adan Cali ayaa ku sheegay howlgalka in uu ahaa bartilmaameedkiisa in laga hortago Xubno katirsan As oo ku dhuumaleysanayey hoodka fog ee Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Xidigle Xasan Aadan Cali wuxuu sheegay in ay weerar qorsheysan ku qadeen goobo la sheegay inay isku aroorsanayeen AS  balse markii ay ka war heleen aya isaga tageen, isla markaana howlgalka ka dhanka ah AS  ay sii wadi doonaan.

Dhowr jeer ayaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Koonfur Galbeed waxaa ay howlgallo xoogan ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, kadib weeraro ay soo qaadeen AS

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top