Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…
Ciidamada macawiisleyda oo isku fidiyay qeybo kamid Gobolka galgaduud iyo howlgalo socda
by isxaaq Rashiid Ciidamada degaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa waxaa ay weli howlgallo xoogan ka wadaan degaano hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, howlgalkaas oo shalay soo billaawday.
Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa shalay gudaha u galay degmada Ceeldheere oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab, iyaga oo halkaasi ku dilay Sarkaal katirsan AS mid kalena nolosha ku qabtay.
Saraakiisha Ciidamada Macawiisleyda ayaa sheegay in ay isku fidiyeen degaano hoostaga degmada ceeldheer, isla markaana ujeedkooda uu yahay sidii guud ahaan degaannada kuyaalla Bariga Gobolka Galgaduud uga xoeryn lahaayeen AS
Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay Ciidamo farabadan geysay degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe si ay ugu gudbaan degaannad kuyaalla Bariga Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugan yihiin AS si ay uga saaraan AS
This Post Has 0 Comments