By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Ciidamada Xoogga dalka oo deegaano horleh kala wareegay Al-Shabaab
By Abdinajib Abdullahi
Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka, qeybtooda 60-aad ay howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameyeen duleedka magaalada Xudur oo xarun u ah gobolkaasi.
Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay la wareegeen deegaanada Gomori, Aboore, Banjinaay iyo Doonfuul oo dhammaan hoostaga magaalada Xudur.
Wararka ayaa sheegaya in howl-galkan oo ay horkacayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, kadib ciidamadu ay fariisimo hor leh ka sameysteen halkaasi.
Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen deegaanada ay la wareegeen, si looga hortago dib usoo rogaal celinta kooxda Al-Shabaab.
Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dadka deegaanka la hadlay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka oo uu ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada Xoogga dalka.
Ujeedka howl-galkan ayaa sidoo kale lagu sheegay sidii go’doonka looga qaadi lahaa Xudur oo ay dhinac ah ka joogaan xoogaga Al-Shaabaab oo diiday in dhulka loo maro degmadaas.
Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada ay ka wadaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media