Skip to content

Ciidamo AS la dagaalamo oo la soo bandhigay iyo Cali jeyte oo la hadlay

By isxaaq Rashiid Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali Jeyte Cismaan ayaa Magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan kula hadlay boqolaal Macawiisley ah kuwaas oo loo diyaariyey inay qeyb ka noqdaan la dagaalanka AS oo weli ku sugan degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte ayaa la dardaarmay macawiisleyda uu la hadlay inay u diyaar garoobaan howlgalka sifeynta AS ‘isla markaana laga doonayo reer Hiiraan in ay u midoobaan in gobolkaas uu xor ka noqdo Al-Shabaab.

Howlgal dhawaan ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamku ka sameeyeen duleedka Halgan ayaa lagu dilay in ka Badan 60 AS ah, kuwaas oo xogtooda la helay iyaga oo isku aruursanaya degaan hoos taga Magaaladaas.

Gobolka Hiiraan waxaa uu kamid yahay goboladii ugu horreeyay ee laga billaabay howlgallada ka dhanka ah AS  isla markaana Ciidamada degaanka ee Macawiisleyda ay degaano dhowr ah kula wareegeen howlgalladaas.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top