skip to Main Content

Ciidanka Israel oo mar kale xasuuqay dad safaf ugu jiray cunto gargaar ah

By isxaaq Rashid Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen 155 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha Israa’iil xilli ay sugayeen gargaar khamiistii shalay.

Milatariga Israa’iil ayaa beeniyay in ay ka danbeeyeen weerarka, waxaana ay sheegeen in ay qiimeynayaan dhacdada.

Dhimashada ayaa la filayaa inay sii korodho iyadoo weli dhaawacyadu loo sii gudbinayo isbitaalka, sida uu sheegay Mohammad Ghrab, oo ah dhaqtar ka tirsan qeybta gargaarka degdegga ah ee isbitaalka Al Shifa. Mar sii horreysay, goobjooge ku sugnaa goobta ayaa sheegay in tobanaan qof ay dhinteen

Sawirro laga soo qaaday goobta uu falku ka dhacay oo uu soo bandhigay goobjooge ayaa muujinayay meydad badan oo ay ka muuqato dhaawacyo naxdin leh iyo sidoo kale balli dhiig oo daadsan waddo ay daadsan yihiin burbur iyo boor.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top