By isxaaq RashidMaamulka Soomaaliland ayaa sheegay inay Ciidamadooda gacanta ku dhigeen Afar rag basaasiin ah…

Ciidanka Liyuu Booliska degaanka Soomaalida oo afar arrimood kala dooranaya
by Abdinajib Abdullahi
jigjiga(Boundless media)_Shirkii joogtada ahaa ee Golaha Amniga Deegaanka Soomaalida ayaa lagaga wada hadlay dib-u-habaynta ciidanka xoogga gaarka ah ee Liyu Boolis iyo nidaamka cusub ee ay u shaqayn doonaan.
Waxaa shirkan ka qeyb galay Madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo saraakiil ka tirsan laamaha amaanka
Hoggaanka Nabadgelyada DDS, mudane Dayib Axmed Nuur oo kulankan kaddib waraysi siiyay Warbaahinta Deegaanka ayaa sheegay in aysan waxba iska badalaynin darajadii, mushaarkii, qalabkii iyo hawlagaladii amni ee ay hayeen ciidamada gaarka ah balse magac ahaan iyo maamul ahaan ay noqonayaan Ciidanka Booliska Deegaanka iyaga oo jooga goobahoodii ay ka hayeen sugida amniga shacabka. Qorshahana uu yahay mid guud ahaan deegaannada dalku ay ka siman yihiin.
Golaha wasiirrada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa shalay ansixiyey qorshaha lagu meel marinayo dib u habeynta booliska deegaanka lagu sameynayo oo qaybta ka ah qaab dhismeedka amniga qaranka dalkaas.
xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media
This Post Has 0 Comments