By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…

Ciidanka Xoogga dalka & kuwa Degaanka oo Hawlgallo Miino baaris ah ka sameeyay Bariga G/ Galgaduud
By isxaaq Rashid Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaano ku yaalla Bariga Gobolka Galgaduud .
Ciidamada Howlgallada ayaa si gaara iga fuliyay deegnnada Cali Candhoole , Sheekh Cabdullahi, Baraag Xaaji Dhagax iyo Deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Ciidamada ayaa inta ey howlgalka ku jireen waxay soo saareen tiro Miinooyin ah oo Alshabaab ay ku aaseen degaannadaasid , sido o kale Ciidamada ayaa burburiyay fariisimo Alshabaab ay ku lahaayeen degaannada Hawlgallada laga sameeyay .
Taliyaha Guutada 24aad ee Khaalid Bin Walid Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne ayaa Xaqiijiyay in howlgalku socdo welina dhulka Howdka ah ay kula dagaalamayaan Alshabaab .
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa Mudooyinka dambe kordhiyay howlgalada ka dhan ah Alshabaab.
This Post Has 0 Comments