Skip to content

Ciidanka xoogga dalka oo weeraray Goobo ay isku aruursanayeen Al-Shabaab & dagaal ka dhacay

By isxaaq Rashiid Ciidanka xoogga  dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9aad ayaa saaka weerar xooggan ku qaaday degaanka Qaydar-Cade oo 30km dhanka degmada Ceelbarde ka xiga degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in Ciidanka oo ka warhayay xigta Al-Shabaab oo is aruursanayay ayaa weerarka waxaa ay ku gaarsiiyay jab xoogan Kooxda Al-Shabaab, iyaga oo weli duurka kusii baacsanaya.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Ciidanka xoogga dalka ay dagaalka uga een Al-Shabaab Gaadiid farabadan iyo Saanad Ciidan, waxaana sidoo kalena ay ka carareen Meydad farabadan, iyada oo weli Ciidamadu ay kusii eryanayaan dhulka howdka ah ee kuyaalla deganka Qeydar-Cadde ee Gobolka  Bakool.

Dowladda Soomaaliya weli faah faahin dheeri ah kama bixin weerarkaas iyo khasaaraha rasmiga ah ee lagu gaarsiiyay Al-Shabaab iyo khasaaraha kasoo gaaray Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Back To Top