Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…
Qaabkii ay ula wareegeen Ciidanka Dowladda iyo kuwa Deegaanka Degmada Ceeldheer
By isxaaq Rashiid Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab iyo gaashaan ka helaya ciidamada deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo bilooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaayeen AS
Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud waxaa shalay oo Arbaco aheyd si buuxda ula wareegay Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka , waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan howlgalo ay ku xaqiijinayaan ammaanka degmada Ceeldheer oo saldhig muhiim ah u aheyd AS
Saraakiisha ciidamada hoggaamineysa ayaa sheegay in si buuxda gacantooda ugu jirto degmada Ceeldheer, waxa ayna xuseen in ay howlgalka ka dhanka ah AS sii wadayaan inta ay kooxdaasi ka saarayaan goobaha ay ka joogaan bariga Galgaduud.
Qabsashada Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud waxaa ay imaaneysaa xlili dhowr bil kahor ay ka so baxeen ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, waxaana degmadaasi dib gacantooda ugu gashay kooxda AS oo horey sannado badan u heesatay.
This Post Has 0 Comments