skip to Main Content

Ciidankii ku maqnaa Eritrea oo lasoo wado iyo qorshaha laga damacsan yahay – Xog

By Abdinajib Abdullahi

Waxaa dhawaan dalka dib loogu soo celin doonaa ciidankii muranka badan dhaliyey ee tababarka loogu qaaday wadanka Eritrea, sida ay noo xaqiijiyeen Jeneraalo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Horaanta bisha soo socoto ee February ayaa la filayaa in ciidankaas la keeno Magaalada Muqdisho, waxaana loo diyaariyey in la dejiyo xerada Jeneral Gordan, halkaas oo wixii daganaa lagu amray inay ka guuraan.

Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa degan xeradaas, balse isaga iyo xubnihii kale ee daganaa xerada General Gordan waxaa loo sheegay inay baneeyaan, si halkaas loo dajiyo ciidanka laga keenayo dalka Eritrea.

Sida ay saraakiishaan inoo xaqiijiyeen tirada ciidanka laga keenayo Eritrea waxay gaareysaa 7-Kun oo Askari, waxay u qeybsan yihiin 5,500 oo ah ciidanka xoogga dalka iyo 1,500 oo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid.

Qeybta ciidanka xoogga dalka ee ah 5,500 waxaa hal guuto oo kamid ah loo tababaray inay noqdaan ciidanka Badda, 12 Doomood oo hubeysan ayey wataan. Guutadaan waxaa la filayaa inay Muqdisho degaan, halka inta kale ee afantariga ah qaar loo isticmaali doono inay furaan wadada isku xirto Muqdisho iyo Baydhaba, qaarna dhanka Jubbooyinka loo diro, waxaa sidaas xog ku bixiyey saraakiisha aan la hadalnay.

Ciidanka qeybtiisa la dejinayo xerada General Gordan waxaa todobaadkii hore la siiyey oo loo diyaariyey lambarooda ciidanka, waxaana mushaarkooda bixin doonta dowladda Qatar, sida aan xogta ku helnay.

Saraakiishaan waxay sheegeen in askari walba oo kamid ah ciidankaas lasoo wado uu mushaarkiisa noqon doono 300 oo dollar, taas oo ka dhigan inay xagga mushaarka la simni doonaan ciidanka la yiraahdo Gorgor oo qaato mushaar ahaan 300 oo dollar.

Gorgor waxay 200 ka helaan dowladda Turkiga, halka 100 dollar ay ka qaataan dhanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidankaan Soomaalida ah ee ku sugan wadanka Eritrea waxaa dhawaan loo jeediyey eedeyn culus. Shacabka ku nool Gobolka Tigrey ee woqooyiga wadanka Itoobiya ayaa sheegay in ciidan Soomaali ah ay xasuuq ka geysteen Gobolkooda.

Wargeys Canada kasoo baxa oo la yiraahdo Globe and Mail ayaa marqaatiyaal uu wareystay waxay sheegeen in Militariga Soomaaliya ee la socday ciidanka Eritrea ay xasuuq badan geysteen gobolka Tigray, bilihii hore intii uu dagaalku socday.

Xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media
Back To Top