skip to Main Content

Cudurka daacuunka oo ka dillaacay Homa Bay

By Abdinajib Abdullahi

Waaxda caafimaadka ee ismaamulka Homa Bay ayaa ku dhawaaqday in dowlad deegaankaasi uu ka dillaacay cudurka daacuunka.
Wasiirka faya dhowrka iyo adeegyada caafimaadka ee Homa Bay ,Roseline Omollo ayaa dadweynah ku boorrisay inay raadsadaan daryeel haddii ay isku arkaan shuban iyo matag.
Waxay intaasi ku dartay in shan qof oo hal qoys ka wada tirsan oo uu daacuunka saameeyay in la daaweeyay oo isbitaalka laga saaray.
Wasiiradda ayaa laga soo xigtay in daacuunka laga soo tabiyay degmada Marindi .
Omollo ayaa xustay in hadda saddex qof oo la xanuunsan daacuunka ay ku jiraan isbitaalka guud ee Homa Bay.
Sidoo kale waxay sheegtay in la rumeysan yahay in cudurka oo ka soo billowday tuulada Achungo ee bartamaha magaalada Homa Bay .
Waxay carrabka ku adkeysay in wasaaradda caafimaadka ee ismaamulkaasi ay qaadday tallaabooyin looga hor tagaya in xanuunka uu sii faafo.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top