by isxaaq Rashiid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ballaarinaya latashiyada ku aaddan…

Cumar Cabdirashiid oo dalbaday in Puntlaand lagu soo daro kulamada looga tashanayo masiirka dalka
By isxaaq Rashiid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo kamid ahaa Siyaasiyiintii ka qeyb gashay shirkii Madaxda dowladda iyo Madaxdii hore ayaa sheegay in heshiiskii ay gaareen loo baahan yahay in Baarlamaanka aan lagu deg degin ee loo bandhigo dadka Shacabka.
Wuxuu sheegay inay muhiim tahay in qodobada dalka masiiriga u ah inay noqdaan kuwo lag wadatashado oo loo gudbiyo Gobolada dalka si , iyada oo lagu wada qanacsan yahay loo ansixiyo.
Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale hadalkiisa intaasi ku daray in Puntland lagu soo daro go’aamada Madashada inta aan sharciyadda loo gudbin.
Hadalka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa kusoo aadaya xilli Madaxda dowlad Goboleedka Puntland ay dhowr jeer ka maqnaayeen kulamo wadatashi ah oo ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo, kuwaas oo go’aano lagu gaaray
This Post Has 0 Comments