skip to Main Content

Cunsuriyad xasuuqii magaalada Tulsa Oklahoma ayaa maanta laga jooga 100 sano

1921, Bishii lixaad kowgeedi ayaa cusiriyiinta loo yaqqano KKK aya werar kuqaaday wixii madow ahaa oo magalada Tulsa ku nool haday noqoto ganacsigoodii iyo guryahoodii. Halkaas ay boqolal ku dhinteen halka ay boqolal kun guri la’aan ku noqdeen.

Xafada Greenwood ee Tulsa ayaa ahayd laf dhabartii ganacsatatada madawga halkaas loogu wici jiray “The Black Wall Street”.

Marso 30 1921 ayaa wiil madaw “Dick Rowland”  ah ayaa wiishka guryaha galay halkaas gabar cad oo wiish u xilsaarnayd qaylo ku dhufatay. Boliska ayaa Rowland xiray halka magaalada lagu faafiyay inuu nin madow ah kufsaday gabar cad. Kumanan kun oo Cunsuriyiin ah ayaa maxkamada soo hor istaagay maalintii xukunka Rowland halkaas ay ku dheheen boliska ninka anaga hana loo soo gudbiyo lakin boliska uu diday loona qaaday xabsiga.

Saacado kadib ayaa cunsiriyiintii cadaanka aha ayaa weerar ku qaaday xaafada Greenwood halkaas ay dawladu hub siisay kana qayb qaadatay kuna gubeen guryihii, ganacsigii dadkii madawga ahaa ee kunoola xaafadas. 1300 oo guri ku dawad ayaa halkaas lagu gubay halka 210 ganacsi lagu dhagax tuuray lana dhacay.

(Photo by Bettmann Archive/Getty Images)

Ilaa maanta werarka ayaa ka mid ah kuwii ugu xumaa ee dalka ka dhaca halkaas ay wali dadka madawgu ayna ka kamin werarkaas.

Madaxweynaha maraykanka ayaa manta lagu wadaa inuu tago kana hadlo halkaas marka nala soco wixii soo kordha.

Back To Top