skip to Main Content

Dab khasaare geeystay oo ka kacay Xafad ku taalla baladweyne

By isxaaq Rashiid Guri ku yaalla xafaadda Howlwadaag ee magaalada Baladweyne oo qeyb ka mid ah uu yahay ganacsi ayaa waxaa ka kacay dabka dhashay koronto sida dad goob joogayaal ah ay u sheegeen Radio Beerlula

Khasaaro iskugu jira mid hantiyadeed iyo burbur ayaa soo gaaray dhismahan oo ka kooban laba dabaq.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dabkan lagu guuleystay in lagu xakameeyo dhismaha uu ka kacay.

Magaalada Baladweyne ayaan laheyn gaadiidka dab damiska taasoo kordhisa khasaaraha dabka, waxana dhawaan la filaya in magaalada la soo gaarsiiyo gaari dab damis ah kaasoo dhawaan laga soo dajiyay dekedda Garacad ee gobolka Mudug.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top