skip to Main Content

Dab xoog leh oo ka kacay Suuq Boocle ee Degmada Dharkeynley

by Abdinajib Abdullahi
Dabkaan oo geystay khasaaro hantiyadeed ayaa waxaa uu ka kacay Suuq Boocle oo kuyaal degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir.

Dabka ayaa goobjoogayaal sheegeen in uu ka bilaawday Goob lagu iibiyo Qalabka Electronic, isla markaana uu ku faafay goobo kale.

Dadka deegaanka & Qaar kamid ah Ganacsatada suuqa ayaa ku howlan daminta dabka waxaana la wargeliyay waaxda Dab damiska Dowladda Hoose iyo kuwa gaarka loo leeyahay si ay uga hortagaan in uu u gudbo goobo horleh.

“Dabka waxa uu kusii fidayaa qaybta Bacadlaha, waxaa la wacay dab damis, dabeysha ayaa dhinacaas u baxeysa, dedaalka xooggiisa waa in laga hortagaa in uu suuqa guud ahaan uu saameeyo dabkaan” Sidaasi waxaa yiri qof kamid ah Dadka ku howlan daminta Dabka oo goob ganacsi ku leh Suuq Boocle.

Goobaha ganacsiga waxaa laga saaray hantida taalla sida ay xaqiijiyeen dad ku howlan daminta dabkaas oo gurmadka lagu baqtiijin lahaa socota.

Xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media
Back To Top