skip to Main Content

Dabley ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhigga ciidmaada Puntland ee Af-Urur

By Abdinajib Abdullahi
Ugu yaraan inta la ogyahay laba askari ayaa ku dhimatay, weerar saaka ururka Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Af-Urur ee buuraha waqooyi ee Gobolka Bari, halkaas oo ciidamada Puntland ku leeyihiin saldhig ciidan.

Weerarka ayaa ku bilowday hoobiyaal Shabaab ku soo riday xeryo ciidan oo ku yaalla banaanka magaalada ka dibna ciidanka ayaa kaga jawaabey hubka culus.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in hadda rasaas googoos ah laga maqlaayo buuro ku dhow tuulada oo ah dhul dhir badan oo ay adagtahay in la arko wixii kaa durugsan.
Xilliyo hore ayaa sidaas oo kale Al-shabaab weerar ugu qaadeen tuuladaasi iyado sannadkii 2017 ay ku dileen in ka badan 40 qof .

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

Back To Top