By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…

Dagaal ka dhacay duleedka Baladweyne iyo warar laga helayo
By isxaaq Rashiid ka imaanya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal ka dhacay tuulooyin ka tirsan deegaanka Baardheere oo ku yaalla duleedka Koofureed ee Magaaladaasi .
Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa ee degaanka oo loo yaqaaan Maxasisley oo dhinac ah iyo Al-shabaab,.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu bilowday ka dib markii ciidamada Dawlada iyo Macawiisleyda gobolka Hiiraan ay howlgallo ka bilaabeen deegaanka Baardheere Tuulooyin ka tirsan waxana ka dhashay sida la sheegaya khasaare kala duwan.
Lama oga wali khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka dhacay inta u dhaxeysa Baardheere iyo Beerxaano oo ku yaala Koonfurta magaalada Baledweyne.
Hase ‘ahaatee ‘ Gudoomiyhihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee kala ah Maxamed Cabdullahi Buraalle ‘Maxamed Cabduqaadir Maxamed iyo Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay ayaa hoggaaminaya ciidamada Dawlada iyo kuwa dib u xoreynta ee dagaalka ka wada degaanka Baardheere Tuulooyinka hoostga oo qiyaastii 22- kiilomitir dhinaca koofurta uga aadan Magaalada Baladweyne ee xaruntaa gobolka Hiiraan.
This Post Has 0 Comments