Skip to content

Dagaalka dhacay waajid iyo warar ka soo baxaya

By isxaaq Rashiid Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal xooganaa oo Maanta degmada Xudur oo ah Xarunta Gobolka Bakool ku dhexmaray Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa howlgalka ATMIS iyo Xubno katirsanAS

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan AS ay weerar ku qaadeen Garoonka diyaaradaha degmad Xudur, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooganaa, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil katirsan Ciidamada Ururka 260aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka AS, isla markaana dagaal saacado badan socday ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen.

Waxaa ay sheegeen inay dagaalka AS uga dileen 12 Xubnood, sidoo kalena hub farabadan ay kaga furteen dagaalka, haatana ay kusii raadjoogaan xubnaha katirsan AS ee dib ugu laabtay Goobihii ay kasoo weerar tageen.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Waajid ayaa Warbaainta  u sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana weli duleedka degmada Waajid lagu arkayo Ciidamada dowladda oo howlgallo xoogan ka sameeynaya.

Degmada Waajid e Gobolka Bakool ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ay go’doomiyeen Ururka AS waxaana ku sugan oo amniga xaqiijiyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 60 iyo kuwa Itoobiya eek amid ah howlgalka ATMIS.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top