Skip to content

Dal yurub ku yaalla oo dadkiisa lacak ku siinaya in aay kabaha tashaan

By isxaaq Rashiid ayaa bilaabaya barnaamij lacag lagu siinayo dadka inay dayactirtaan dharkooda iyo kabaha intii ay tuuri lahaayeen oo ay kuwo cusub soo iibsan lahaayeen.

Laga bilaabo bisha October, lacagtan ayaa dadku ku heli doonaan qaab qiime-dhimis ah oo u dhaxeysa €6 (£5) iyo €25 (£21) halkii mar ee ay dayactir sameeyaan.

Bérangère Couillard, oo ka tirsan dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in ilaa 700,000 oo tan oo dhar ah sanad walba lagu daadiyo meelaha khashin qubka.

Ms Couillard ayaa ku boorrisay “dhammaan meelaha dharka lagu tolo iyo goobaha kabaha lagu sameeyo ay ku biiraan hannaankan”. Muhiimadda ayaa ah in la taageero shirkadaha dharka jeexma tola lana abuuro shaqooyin.

Waxay sheegtay in dowladdu ay ka go’an tahay wax ka qabashada dharka casriga ah ee mar walba lasoo iibsanayo, dadkana lagu dhiirrigeliyo inay soo iibsadaan kuwo ay dayactirtaan.

Refashion, oo ah koox codsaneysay in la  sameeyo hannaankan, ayaa sheegtay in 3.3 bilyan shey oo dhar ah, kabo iyo kuwo kale sanadkii lasoo dhaafay lasoo geliyay suuqyada Faransiiska.

Balse qof walba kuma qanacsana talada dowladda ee ah in dadku ay dayactirtaan dharkooda.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top