Skip to content

Dawlada kenya oo balanqaday in ay hoy siiso dadkii ku barakacay fatahadihii ismaamulka tana River

By Ayanle Dhiire 

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa sheegay in dowladda dhexe aynan hilmaamin qoysaskii ku barakacay daadadkii saameeyay ismaamulka Tana River ee gobolka Xeebta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu jiro qorsho qoysaskan ay hooy ku helayaan.
Arrintan ayuu ka sheegay deegaanka Garsen oo uu booqasho ugu tagay barakacayaasha fatahaadaha.
Waxaa uu Raymond Omollo sheegay in qorshaha dowladda uu yahay in aaggaasi laga iibiyo dhul hooy joogto ah looga dhisaya barakacayaasha.
Waxay daadadkii ku dhuftay ismaamulka Tana River saameyn ka soo gaartay 38,000 qoysas ah halka ilaa 8 qof ay ku dhinteen.

 

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top