Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Dawlada kenya oo hakisay Barnamijka worldcoin
By Ayanle Dhiire
Dowladda dhexe ayaa soo saartay amar si ku meel gaar ah loogu hakiyay barnaamijka WorldCoin ee ay shalay si wayn ugu soo baxeen dadweynaha.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in go’aankan lagu saleeyay walaac laga qabo badqabka xogaha dadweynaha awgeed.
Kindiki ayaa sheegay in amarka lagu hakiyay uu shaqeyn doono ilaa iyo inta hay’adda qorshahan ku howlan ay dowladda uga caddeynaysa inaynan jirin halis arrinkan ka dhalan karta.
Kenyaan badan oo nidaamkan iska diiwaangeliyay ayaa shalay saf dheer u galay inay maraan habraaca dhanka indhaha ah iyadoo sawir laga qaadaya indhaha qofka waxaana jiray abaal marino la siinayay dad guulaystay oo ah ku dhawaad 8,000 oo shilin.
Hasa ahaate waxaa su’aal la geliyay halka ay ku dambeyn karto xogta shacabka maadaama uu mugdi ku jiro qaabka loo adeegsan karo.
In kastoo shakhsiyaadkii barnaamijkan gacanta ku hayay ay ku sheegeen nidaam casri ah oo dadweynaha caalamka lagu aqoonsanaya haddana wasiir Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in cid kasta oo falalka noocani ah ka qayb qaadata ama fududeysa laga qaadi doono tallaabo sharciyeed.
Waxay intaasi ku dareen in macluumaadka aan la keydin oo durbaba la tirtiro.
Guddoomiyaha waaxda maareynta macluumaadka ee dalka ,Immaculate Kassait ayaa sheegtay inay qiimeyn ku sameynayaan waxyaabaha shirkadda Worldcoin si loo xaqiijiyo inay waafaqsan yihiin dastuurka
This Post Has 0 Comments