Skip to content

Dawlada kenya oo hakisay dhamaan safarada aan muhiimka Ahyn

By Ayanle Dhiire 

Dowladda dhexe ayaa soo saartay amar lagu hakinaya dhammaan safarrada aan muhiimka ahayn ee saraakiisha dowladda.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in lagu xakameeyo isticmaalka lacagaha dadweynaha.
Madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka , Felix Koskei ayaa arrinkan shaaca uga qaaday wareegto uu soo saaray.
Waxaa sidoo kale qoraalka lagu xaddiday tirada wufuudda weheliso madaxweynaha , ku xigeenkiisa , marwada koowaad ee dalka iyo madaxa wasiirrada marka ay u ambabaxayaan safarrada dibadda.
Wareegtada waxaa ku cad in waxyaabaha la hakiyay ay ka mid yihiin safarrada kormeerka ee qiimeynta hal-beegyada horumarka ,socdaallada aqoon kororsiga , tababarrada iyo barnaamijyada la xiriira sare u qaadidda kartida shaqaalaha , kuwa cilmi baarista, kulamada aqooneed iyo aqoon iswaydaarsiga.
Sidoo kale waxaa la hakiyay shirarka ka qayb galka guud ah , munaasabado dooceedyada sida bandhigyada iyo kulamada kooxaha iyo ururrada .
Felix Koskei ayaa sheegay in keliya safarradan la fududeynaya haddii dowladda Kenya ay uga qayb qaadanaysa fulinta waajibaad qaran, hoggaamin ama xubinnimo rasmi ah oo lagu tixgelinaya go’aammada muhiimka ee saameynta ku leh mowqifka dalka.
Koskei ayaa sidoo kale sheegay in wufuudda ay hoggaaminayaan wasiirrada aynan ka badnaan karin saddex qof oo uu wasiirka ka mid yahay halka wufuudda ay hor kacayaan xoghayeyaasha joogtada ah aynan ka badnaan karin labo ruux.
Wasiirka ayaa laga doonaya inuu weheliyo ugu yaraan hal sarkaal oo farsamo oo ku takhasusay arrinta dibadda looga soo wada hadlaya lamana doonaya inay weheliyaan ilaalo,gacan yareyaal ama saraakiisha qaabilsan howl fududeynta ama tasiilaadka.
Sidoo kale wasiirka iyo xoghayaha wasaaradda ayaan hal xilli ku wada maqnaan karin safar dibadeed haddii aynan qasab ku ahayn inay halkaasi ku wada sugnaadaan.
Sidoo kale wufuudda ay hoggaaminayaan barasaabyada ismaamullada kama badan karaan saddex mas’uul oo uu ku jiro barasaabka.
Sidoo kale ka mid ahaanshaha wufuudda wehelinaysa madaxweynaha dalka , marwada koowaad, ku xigeenka madaxweynaha iyo madaxa wasiirrada waxaa loo ansixinaya keliya saraakiisha door toos ah ku leh barnaamijyada ama howlaha qorsheysan ee loo safraya.
Felix Koskei ayaa wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta ku amray inay dib u eegis ku sameyso tirada dadka wehelinaya mas’uuliyiinta sare ee dowladda ee u safraya dibadda si tiradan loo yareeyo boqolkiiba 50.
Wareegtada waxaa lagu yareeyay tirada maalmaha ee safarrada dibadda oo laga dhigay ugu badnaan toddobo cishe.
Felix Koskei, madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka ayaa sheegay in go’aammadan la qaatay si mudnaanta koowaad loo siiyo maalgelinta howlaha muhiimka u ah bixinta adeegyada shacabka.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top