By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo ku sugan degmada Walanwyen…

Dawlada Kenya oo malgalin ka sameyn donto Degganada oomanaha!
By Ayanle Dhiire (Boundless Media)
Dowladda dhexe ayaa sheegtay inay mudnaan siin doonto in maalgelin dhanka cunnada ah laga sameeyo deegaannada oomanaha ee loo yaqaano ASALs.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ,Rigathi Gachagua ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Mr. Gachagua ayaa xilli uu hadal ka jeedinayay shirweynaha 6-aad ee sanadlaha ee machadka xeerarka dadweynaha iyo qiimeynta cilmi baarista ee (KIPPRA) oo lagu qabtay jaamacadda Pwani ee ismaamulka Kilifi sheegay in ismaamullada ASALs ay awood u leeyihiin xallinta cunno yarida ka jirta wadanka.
Waxaa uu intaasi ku daray in la sii xoojin doono barnaamijyada u adkeysiga dhibaatooyinka ee ay hadda wadaan ismaamullada iyo saaxiibbada dhanka horumarka ee Kenya.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa xusay in deegaannada oomanaha ay leeyihiin dhul-beereed ballaaran oo u baahan in laga faa’iidaysto sidaasi awgeedna dowladda ay wax ka qaban doonto dhanka amniga iyo kaabayaasha.
Rigathi Gachagua ayaa caqabadda ka taagan ismaamulladan ku sheegay biyo yari taasoo lagu xallinaya in la qodo ceel biyoodyo badan.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa sheegay in 29 ka mid ah 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay ay yihiin deegaannada ASALs ee xoolo dhaqatada waxaana ku nool boqolkiiba 38 ee tirada guud ee kenyaanka.
Gachagua ayaa tilmaamay in shacabkan ay wajahayaan saboolnimo ,gaajo , oon iyo caqabado la xiriira.
Waxaa uu sheegay inaynan sharaf ahayn in aan la haqabtirin baahiyaha aasaasiga ee qoyska sida cunnada.
Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sheegay in la qaaday tallaabooyin badan oo lagula tacaalaya saameynta isbeddelka cimillada oo ay ka mid yihiin in la joojiyo isticmaalka qoriyaha dabka lagu shito iyo dhuxusha.
This Post Has 0 Comments