skip to Main Content

Dawlada kenya oo musharka u kordhineyso ilalada Gaarka Ah

By Ayanle Dhiire 

Dowladda dhexe ayaa shirkadaha gaarka ah ee bixiya adeegyada amniga ku wargelisay inay wax ka beddelaan mushaarka billaha ee ay siiyaan saraakiisha ilaaliya xarumaha ganacsiga.

Maamulka maareeya shirkadahan ee (PSRA) ayaa sheegay in mushaarka ugu hooseeya ee ay qaadanayaan ilaalada gaarka ah uu yahay 30,000 oo shilin.

Agaasimaha guud ee maamulkan, Fazul Maxamad ayaa xusay in tani looga gol-leeyahay in lagu wanaajiyo daryeelka saraakiishan.

Lacagta la doonayo in ilaalada gaarka ah bil waliba la siiyo ayaa isugu jirto 18,994 oo mushaar ah , gunnada hooyga oo dhan 2,849 iyo saacadaha dheeraadka ee ay shaqeeyaan oo loo xisaabinaya 8,156 oo shilin.

Fazul ayaa intaasi ku daray in shirkaddii aan arrinkan u hoggaansamin laga qaadaya tallaabo sharciyeed.

Sidoo kale maamulka (PSRA) ayaa billaabay inuu diiwaangeliyo si nambarro lagu aqoonsado loo siiyo ilaalada gaarka ah guud ahaan wadanka

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top