By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Dawlada kenya oo shegtay in Lacagaha guryeynta la dhaqan galiyay bishii Hore!
By Ayanle Dhiire
Wasaaradda dhulalka , howlaha guud, guriyeynta iyo horumarinta magaalooyinka ayaa shaacisay in lacagaha laga jaraya dadka shaqeeya si loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta ee Housing Fund ay dhaqan galeen laga soo billaabo 1-dii bishii Toddobaad ee sanadkan.
Tani ayaa timid ka dib markii ay maxkamadda racfaanka ee dalka isbuucii hore si ku meel gaar ah ay meesha uga saartay amar dowladda looga hor istaagay dhaqangelinta xeerka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Act 2023.
Waxaa qofka shaqeeya iyo xarunta uu ka howlgalo labaduba laga doonaya inay min boqolkiiba 1.5 ee mushaarka billaha ah ku biiriyaan sanduuqa guriyeynta ee maamulka Kenya Kwanza.
Bayaanka wasaaradda waxaa qayb ka ah in maamulka canshuuraha dalka ee KRA uu soo saari doono faahfaahin qorshahan ku aaddan.
KRA ayaa sharraxaad ka bixin doonto qaabka lagu soo xareynaya lacagaha sanduuqa guriyeynta!
This Post Has 0 Comments