Skip to content

Dawlada Mareykanka oo waaxda DCI- da kenya oogu deeqday Gawari

By Ayanle Dhiire 

Dowladda Maraykanka ayaa waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ugu deeqday 4 gawaari ah.
Waxaa deeqdan ay dowladda Kenya ka guddoontay taliska dowladda Maraykanka ee Afrika.
Waxaa agabkan ku xigeenka agaasimaha waaxda DCI-da Mr. Ireri Kamwende, ku wareejiyay Joseph Kellams, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan safaaradda Maraykanka ee Nairobi sidoo kale wakiil ka ah hay’adda qaabilsan ka hortagga maandooriyaha ee (DEA).
Xafladda ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee DCI-da ee Nairobi, iyadoo mas’uulkan uu bogaadiyay iskaashiga ka dhexeya hay’adaha dambi baarista ee dalalka Kenya iyo Maraykanka.
Mr. Kellams ayaa sheegay in baabuurtan ay si gaar ah kaalin uga qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah ka ganacsiga daroogada ee wadanka.
Sarkaalka Maraykanka matalaya ayaa sidoo kale sheegay in maamulka madaxweyne Joe Biden uu sii wadi doono inuu Kenya kala shaqeeyo la dagaalanka dambiyada.
Mr. Ireri Kamwende ayaa dhankiisa dowladda Maraykanka uga mahadceliyay taageerada ay u fidisay, isagoo xusay in ay sare u qaadayso u adeegidda shacabka, wax ka qabasahda caqabadaha amniga iyo ka hortagga maandooriyaha.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top