skip to Main Content

Dawlada Qatar oo Soomaaliya ka taageereysa la dagaalanka AS

By isxaaq Rashid Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas ibraahim Sheekh Muxudiin oo casuumaad Rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Qatar Sareeye Guud Salem Bin Hamad Al Aqeel Al Nabit, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Qatar.

Labada Taliye ayaa ka  wada hadlay arimaha saldhiga u ah xariirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada Dowladood, Soomaliya iyo Qatar.

Waxaa si weyn labada Taliye ay uga hadleen sidii loo xoojin lahaa Taageerada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed  oo dhinac kasta leh, Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo in sare loo qaado Deeqaha waxbarasho ee la siiyo Saraakiisha Ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxudiin caddow ayaa si gaar ah uga mahad-caliyay Dowladda Qatar kaalinteeda kaga aadan dhismaha iyo qalabeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyed, waxuuna balan qaaday in xariirka labada dal uu ahaan doono mid sii xoogaysta.

Ugu dambeeyntiina Taliyaha Ciidamada Milateriga Dalka Qatar Salem bin Hamad bin Mohammed bin Aqeel Al Nabit ayaa dhigiisa Soomaaliya ku soo wareejiyay Kulliyadaha Ciidamada ee dalka Qater

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top