skip to Main Content

DEG DEG: GALMUDUG oo hakisay kursi doorashadiisa berri la qaban lahaa

By Abdinajib Abdullahi
Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa goordhoweyd shaaciyay inay hakiyeen doorashada kursiga tirsgiiisu yahay HOP#071, kaasi oo doorashadiisa la qaban lahaa maalinta berri ah.

Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiyey xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye, oo kasoo jeeda beesha Saleebaan Habargidir.

Guddiga ayaa sheegay in aan la dhameystirin habraacyada doorashada kursigaas, ayada Axadii soo saartay jadwalka qabashada doorashada iyo guddiga soo xulista.

Sida uu markii hore qorshuhu ahaa maanta waxa bilaabmeysay qabashada araajida, diiwaan-gelinta lacag shubista iyo shahaado siinta musharaxiinta kursigaas oo tirsigiisu yahay HOP#071.

Inkasta oo guddiga uusan si faah-faahsan uga hadlin habraacyada aan dhameystirneyn ee loo hakiyay kursigan, ayaa haddana waxaa soo baxeysa in uu khilaaf ka jiro kursigaas oo musharaxiin ka tirsan ay sheegen in ay iskaga hareen tartanka.

Kursiga la hakiyay doorashadiisa ayaa waxaa hadda ku fadhiya Xildhibaan Saabiir Nuur Shuuriye, lamana oga illaa hadda xiliga dib loo shaacin doono jadwalka doorashadiisa.

Si kastaba, Guddiga ayaa doorashada kursigaas ku badashay HOP#061 oo maalinta berri ah la qaban doono doorashadiisa, ayada oo maanta ay bilaabatay qabashada araajida, diiwaan-gelinta, lacag shubista iyo shahaado siinta msuharaxiinta, iyo weliba dhameystirka tobabarka egrada.

Xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media
Back To Top