Skip to content

DEG DEG Mucaaradka iyo Xasan sheikh oo hadda is hor fadhiya maxey ka hadlayaan?

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa shir ku yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo golaha samatabixinta Soomaaliyeed oo ay mideysan yihiin madaxdii hore ee dalka, ee ka soo horjeeda hanaanka ay  dowladda Soomaaliya u wado doorashooyinka.

Qoraal lagu dabay Vila Soomali ayaa waxaa lagu sheegay in shirka looga hadlay arimo aay kamid tahay dhameeystirka hanaanka dib u eegista Dastuurka iyo hergalinta doorashada iyo waliba ciribtirka kooxaha argagaxisada.
<span;>

Dhankal kale Shirka ayaa waxaa looga hadlay  arrimo dhowr ah oo la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, iyadoo qodobka ugu weyn uu yahay midnimada qaranka iyo sidii Jubaland iyo Puntland si buuxda loogu soo celin lahaa madasha wadahadalka qaran.

Mucaaradku waxay hor dhigeen  Madaxweynaha aragtiyadooda ku aaddan baahida loo qabo in la gaaro heshiis qaran oo ay ka muuqdaan dhammaan dhinacyada siyaasadeed, taas oo fure u ah hirgelinta doorasho lagu kalsoon yahay, xasilooni siyaasadeed iyo dhisidda dowlad loo dhanyahay.

Back To Top