By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
DF Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka
By Abdinajib Abdullahi
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aadan falkii ka dhacay dalka Sweden, kadib markii uu nin xag jir ah kitaabka Qur’aanka Kariimka ku hor gubay dhismaha safaaradda Turkiga ee ku taalla magaalada Stockholm, kaas oo dhacay Sabtidii oo ay ku beegneyd 21-kii January ee 2023.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay falkaas oo ay sidoo kale ogolaadeen mas’uuliyiinta Sweden.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa shaaca ka qaaday in falkan uu yahay mid loogu xad gudubay xurmada diinta, sidoo kale uu kicinayo dareenka muslimiinta caalamka oo dhan.
“In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa wax aan gabi ahaanba la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan kor u qaadaya nacaybka iyo cunsuriyadda oo u adeega ajendayaasha xagjirnimada iyo argagixisada” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Sidoo kaledowladda federaalka ah ayaa ku baaqday in la ixtiraamo astaamaha diinta, lagana fogaado. hurinta nacaybka iyo colaadaha, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.
Ugu dambeyn dowladda federaalka ayaa ka dalbatay dhammaan dalalka kale ee caalamka in ay qaataan mas’uuliyadda ka saaran ka hortagga Islaam nacaybka.
Halkan hoose ka aqriso:-
WARSAXAAFADEED