Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Dhaqanka Iyo siyaasiyinta SSC khaatumo oo gaaray muqdisho
By isxaaq Rashiid Waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray oo weyn Maanta loogu soo dhaweeyay Hoggaamiyaha Maamulka Khaatuma ee SSC Cabduqaadir Firdhiye, kaas oo ka yimid Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Wafdiga hoggaamiyaha Khaatuma oo ay kamid yihiin Xubno kamid ah Maamulkiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya, Xildhibaano katirsan labada Aqal iyo Boqolaal Shacab ah.
Hoggaamiyaha Maamulka Khaatuma ee SSC Cabduqaadir Firdhiye oo hadal kooban jeediyay ayaa u mahad celiyay cid kasta oo kusoo dhaweyay Magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in uu casuumaad ka helay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Hoggaamiyaha Maamulka Khaatuma ee SSC Cabduqaadir Firdhiye ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda Sare ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
This Post Has 0 Comments