skip to Main Content

Dhismaha garoonka diyaaradaha Modika ee Garissa oo dhawaan la billaabayo

By Abdinajib Abdullahi

Qorshaha lagu dhisayo garoonka diyaaradaha ee Modika ee magaalada Garissa ayaa socda.
Dowladda ismaamulka Garissa ayaa oggolaatay islamarkaana taageertay horumarinta mashruuca la doonayo in la sameeyo garoon diyaaradeed oo casri ah, sidoo kalena noqonaya midkii ugu horreeyay ee dowlad deegaankaasi.
Tani ayaa daba socota kulan dhexmaray barasaabka ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac iyo mas’uuliyiin ka socday maamulka maareeya garoomada diyaaradaha ee dalka ee KAA.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo heli lahaa dhul laga dhiso garoonka.
Guddoomiyaha dowlad deegaanka Garissa Nathiif Jaamac ayaa sheegay in xaruntan marka la dhammeeyo ay noqon doonto mid kordhisa ganacsiga iyo gaadiidka badeecadaha dalka laga soo saaro sida khudaarta, hilibka xoolaha, wax soo saarka kale iyo sidoo kale kor u qaadida dalxiiska
Mashruucan ayaa la filayaa inuu dhawaan billowdo.

xaquuqda weydhowrantahay Boundless media

Back To Top